Japan oo dalalka Afrika uga digtay deymaha ay qaataan

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Japan , Taro Kono ayaa wadamada ku yaalo qaaradda Afrika ku booriyay inay iska yareyaan deymaha shisheeye ee ay qaataan.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in maareynta habboon ee deymaha ay tahay arrin horumar wax ku ool ah gaarsiin karto dalalka Afrika.
Hadalkan ayuu jeediyay xili uu si rasmi ah u furay shirweynaha caalamiga ee lagu eegayo horumarka Afrika ee loo soo gaabiyo (TICAD) oo ka dhacaya magaalada Tokyo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *