Madaxweynaha dalka oo shacabka ugu baaqay inay midoobaan

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa kenyaanka ku booriyay inay ku dadalaan xoojinta midnimada iyo wadajirkooda.
Hadalkan ayuu madaxweynaha jeediyay xili uu tagay degaanka Kilgoris ee ismaamulka Narok .
Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in hadii hoggaamiyaasha siyaasadeed ay midnimo muujiyaan ay ku dayan karaan shacabka soo doortay.
Mr. Kenyatta ayaa intaasi ku daray inay tahay arrin lagu farxo siyaasiyiin uu sannadkii hore loolan ka dhexeyay oo hadda walaaltinimo iyo saaxibtinimo dhow muujinaya.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in hoggaamintu ay micnaheedu tahay in dadweynaha loo horseedo ka shaqeynta midnimada iyo wadajirka habboon.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *