Qoysaska danyarta ah ee ku nool Nairobi oo ka faaiideysanaya daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah

Maamul goboleedka Nairobi ayaa lagu wadaa inuu daahfuro barnaamij la xiriira caafimaadka oo dadka danyarta ah ay uga faaiideysanayaan adeegyo lacag la’aan ah.
Guddoomiyaha caasimadda dalka Mr. Mike Sonko ayaa sheegay inay ka maamul ahaan kaashanayaan caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in ujeedada laga leeyahay qorshahan uu yahay in dadka uu dhaqaalahoodu hooseeyo loo fududeeyo inay adeegyo taya leh ka helaan afar ka mid ah isbitaalada ku yaalo magaala madaxda dalka sida Pumwani, Mama Lucy, Mbagathi iyo Mutuini.
Mike Sonko ayaa sido kale sheegay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay ajeendayaasha ugu waweyn ee maamulka talada haya ee Jubilee.
Dowlada dhexe ayaa dhankeeda ballanqaaday inay xoogga saari doonto wax ka qabashada wax soo saarka, adeegyo caafimaadka oo dhameystiran, guriyeynta iyo la tacaalidda cunno yarida.
Mike Sonko ayaa dhanka kale shacabka ku nool Nairobi u xaqiijiyay in si buuxda loo dhaqangelinayo warbixin uu soo saaray guddi la magacaabay kadib markii isbitaalka Pumwani lagu arkay meydadka 12 carruur ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *