Qoysaska danyarta ah ee ku nool Nairobi oo ka faaiideysanaya daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah

Maamul goboleedka Nairobi ayaa lagu wadaa inuu  daahfuro barnaamij la xiriira caafimaadka oo dadka danyarta ah ay uga faaiideysanayaan adeegyo  lacag la’aan ah.

Guddoomiyaha  caasimadda dalka  Mr. Mike Sonko  ayaa sheegay inay ka maamul ahaan  kaashanayaan  caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF.

Waxaa uu hoosta  ka xariiqay in ujeedada laga leeyahay qorshahan uu yahay   in dadka uu dhaqaalahoodu hooseeyo  loo fududeeyo inay  adeegyo taya leh ka helaan afar ka mid ah  isbitaalada ku yaalo magaala madaxda dalka sida  Pumwani, Mama Lucy, Mbagathi iyo  Mutuini.

Mike Sonko ayaa  sido kale sheegay  in barnaamijkan uu qeyb ka yahay   ajeendayaasha ugu waweyn ee maamulka talada haya ee Jubilee.

Dowlada dhexe ayaa dhankeeda ballanqaaday  inay  xoogga saari doonto wax ka qabashada  wax soo saarka, adeegyo caafimaadka oo dhameystiran, guriyeynta iyo la tacaalidda  cunno yarida.

Mike Sonko ayaa  dhanka kale shacabka ku nool Nairobi u xaqiijiyay  in si buuxda loo  dhaqangelinayo warbixin uu soo saaray guddi la magacaabay kadib markii isbitaalka  Pumwani  lagu arkay meydadka 12 carruur ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *