Suuq kalluunka lagu iibiyo oo 83 sano kadib albaabada la isugu dhuftay

Waxaa muddo 83 sano kadib oo uu shaqeynayay la xiray suuq kalluunka lagu iibinayay oo ku yaalay magaalada Tokyo ee Japan.
Suuqan ayaa lagu magacabaa Tsukiji waana midka ugu weyn caalamka ee hilibka malayga lagu kala iibsado.
Waxaa hadda loo bedelaya garaaj ku meel gaar ah oo baabuur la dhigi doono 2020-ka xiligaasi oo Japan lagu qabanayo cayaaraha olimbikada.
Shalay ayaa la sameeyay xaraashkii ugu dambeeyay waxaana 162 kiilogaraam oo ah nooca loo yaqaano Tuna lagu iibinayay 37,818 oo doolar.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *