Waaxda socdaalka ee dalka oo isbedelo dhowr ah sameyn doonto

Xoghayaha waaxda socdaalka ee dalka Dr. Gordon Kihalangwa ayaa sheegay inay guda galayaan isbedelo dhowr ah oo ku saabsan habsami u socodka shaqada.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inay jiraan cabashooyin ka soo gaaray qaar ka mid ah shacabka kenyaanka ah oo la xiriira mudada uu qaato baasaboorka kadib marka ay codsadaan.
Dr. Kihalangwa ayaa hoosta ka xariiqay in rasmiyan la doonayo in 15 maalmood lagu soo saaro baasaboorada hasa ahaate mararka qaar geedisocodkaasi dib u dhac ku yimaado.
Sababaha keeni karo in qofka ay muddo dheer ku qaadato helidda baasaboorka ayuu ku sheegay khaladaad dhaca marka codsiyada la diray in kastoo sida uu hadalka u dhigay waaxda socdaalka ay ku dadaaleyso inay adeegyadeeda ku bixiso qaab casriyeysan oo dijitaal ah.
Xoghayaha ayaa sido kale sheegay in la sameyn doono hannaanka qaran ee lagu maareeyo macluumaadka lagu aqoonsado qofka maadama hadda ay jiraan siyaabo badan oo ay ka mid yihiin kibaandhaha caymiska caafimaadka ee NHIF, Kaarka canshuur bixinta ee KRA , leesinka darawalnimada, nambarka baasaboorka iyo kuwo kale.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *