Faransiiska oo sheegay inuu iscasilay madaxii booliska caalamiga ee Interpol

Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay inay heshay warqad iscasilaad ah oo uu soo gudbiyay madaxii booliska caalamiga ee qaabilsan falal dambiyeedyada ee Interpol Meng Hongwei.
Arrintan ayaa timid kadib markii shalay dowlada Shiinaha ay sheegtay in mas’uulkan oo 12 maalmood ka hor la waayay baaritaano lagu hayo.
Waxaa baaritaano ku sameynaya guddiga shiinaha ku qaabilsan la dagaalanka musuqmaasuqa oo ku eedeyay inuu ku xadgudbay shuruucda wadankaasi in kastoo aanan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.
Xaaska Meng Hongwei’, ayaa sheegtay in markii ugu wardambeysay uu tuusay mindi ka hor inta aanan la waaynin taasi oo ay u fahantay in nooloshiisa ay halis ku jirto.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *