Hanti dhowraha guud ee qaranka Soomaaliya oo maanta baarlamaanka hortagaya

Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay kulan ku yeelanayaan magaalada Muqdisho, kadib markii xalay lagu wargeliyay in Isniinta maanta ah uu jiro kalfadhiga baarlamaanka.
Kulankaan oo ka mid ah fadhiyada caadiga ah ee ay yeeshaan xildhibaanada Soomaaliya ayaa ajandihiisa lagu sheegay aqrinta koowaad ee dib u eegista hindise sharciyeedka hanta-dhawrka qaranka Soomaaliyeed.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxaa hortagay hanta-dhawraha guud ee qaranka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo baarlamaanka u gudbniaya sharciga hanti dhowrka qaranka.
Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilowgii todobaadkaan soo gaba gabeeyay hindise sharciyeedka nidaaminta naqshadeynta magaalooyinka, horumarinta dhismayaasha iyo maamulka dhulalka.
Ciidamada Amaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa booliska ayaa xili hore oo saakay ah xiray wadooyinka ku dhaw xarunta golaha shacabka, waxayna baaritaan dheeraad ah ay ku sameynayaan gaadiidka ay wataan masuuliyiinta dowladda ee halkaasi maraya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *