Madaxweynaha kuuriyada waqooyi oo ogolaaday inuu mar kale la kulmo dhiggiisa Maraykanka

Hoggaamiyaha wadanka kuuriyada waqooyi Kim Jong-un ayaa ogolaaday inuu sida ugu dhaqsiyaha badan mar kale kulan ula qaato dhiggiisa Maraykanka Donald Trump.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ,Mike Pompeo ayaa arrinkan shaaciyay kadib kulan uu magaalada Pyongyang kula qaatay Mr. Kim .
Labadan mas’uul ayaa wada hadlayay ugu yaraan 2 saacadood ka hor inta Mike Pompeo uusan u si safrin caasimadda kuuriyada koonfureed ee Seoul.
Hasa ahaate ilaa iyo hadda si cad looma shaacin xiliga iyo goobta ay Trump iyo Kim jong-un ku kulmayaan.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitarka ku sheegay in horumar laga gaaray kulankii uu dhiggiisa kuuriyada waqooyi kula yeeshay dalka Singapore.
Waxaa qoraalkaasi qeyb ka ah in Trump uu rajeynayo in mar kale ay is arkaan Mr.Kim si xal waara looga gaaro arrimaha nukliyeerka iyo isqabqabsiga u dhexeya labada dhinac ee soo noqnoqdo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *