Xildhibaaanada maamulka Hirshabeele oo sheegay inay ka noqdeen Mooshin ay madaxweynaha ka Gudbiyeen

xubnaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa sheegeen inay ka laabteen mooshinkii ay maalmo kahor ka gudbiyeen madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, kadib kulan waqti badan qaatay oo xalay ka dhacay madaxtooyada Hirshabeelle ayna isugu yimaadeen xubnihii soo jeedinta waday iyo kuwii laga waday.
Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa sheegay in xildhibaanada ay ka laabteen mooshinkii ay ka keeneen Madaxweyne Waare, wuxuuna tilmaamay in arrintan ay muujineyso sida ay xildhibaanada Hirshabeelle marwalba diyaar ugu yihiin gudashada waajibaadkooda.
Wuxuu tilmaamay in mooshinkaasi uu ahaa canaan loo jeedinayay madaxweynaha Hirshabeelle iyadoo laga duulayo dib u heshiisiinta, amniga, dhaqaalaha iyo marxaladda siyaasadeed.
Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka hirshabeele ayaa sidoo kale u mahadceliyay madaxda ugu saraysa dowlada fedraalka Soomaaliya oo uu sheegay inay judi badan ku bixiyeen sidii arimaha maamulkaasi hirshabeele xal looga gaari lahaa.
Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo goob joog ka ahaa goobta loogaga dhawaaqayay mooshin ka noqoshada ayaa sheegay inay u ahayd canaan mooshinka isagana uu diyaar u yahay in uu dhagaysto dhaliilaha ay u soo jeedinayaan xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *