90 qof oo lala xiriirinayo kurdiyiinta oo lagu xiray Turkiga

Sarakiisha ammaanka ee dalka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay 90 eedeysanayaal ah oo lala xiriirinayo maleeshiyada wadankaasi laga mamnuucay ee kurdiyiinta ama kooxda loo yaqaano (PKK) .
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Turkiga ayaa sheegtay inay howlgalo ka fulisay 8 gobol .
Waxaa bayaanka wasaaradda shaaca looga qaaday in howlgalada la fuliyay si looga hortago ama loo xakameeyo dhaqdhaqaaqa kooxdan.
Hasa ahaate ilaa iyo hadda lama shaacin magacdayada eedeysanayaasha la xiray.
Xisbiga gacan saarka la leh kurdiyiinta ee (HDP) ayaa axaddii sheegay in la qabtay 140 xubno ka ah .
Turkiga ayaa xisbiga HDP ku eedeyay inuu xiriir la leeyahay kooxda PKK, oo isaga, Maraykanka iyo midowga Yurub ay u aqoonsadeen argagixiso in kastoo HDP ay arrimahaasi gaashaanka u daruurtay.
Kooxda PKK ayaa dagaal kula jirtay dowlada Turkiga tan iyo sannadii 1984-dii.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *