Golaha muslimiinta Indonesia oo sheegay in falalka hay’adda FETO ay xaaraam yihiin

Golaha culimaaudiinta wadanka Indonesia ee Ulema Tariqas ayaa ku dhawaaqay in dhamaan falalka ama howlaha hay’adda FETO ay yihiin kuwo aanan waafaqsanayn shareecada Islaamka sidaasi awgeedna xaaraam ah.
Go’aanka ayaa laga soo saaray Fatwo ay culimadu sameyeen.
FETO ayaa ah dhaqdhaqaaqa dowlada Turkiga ay ku eedeysay inuu ka dambeeyay iskudaygii afgembi ee fashilmay bishii toddobaad ee sannadii 2016-kii.
Golahan ayaa kulan uu yeeshay ka sheegay in baaritaano iyo cilmi baaris ballaaran ku sameeyay dhaqdhaqaaqan uu hoggaamiyo Fetxullah Gulen.
Waxaa Fatwada qeyb ka ah inay xaaraam tahay in laga qeyb qaato ama uu qofku ku lug lahaado howlaha Gulen iyo inta taabacsan.
Sido kale tageerayaasha Fetxullah Gulen ayaa loogu baaqay inay Alle u toowbad keenaan .
15-kii bishii July ee 2016-kii ayay ahayd markii uu dalka Turkiga ka dhacay iskuday ka dhan ahaa maamulka Erdogan oo aanan lagu guuleysan waxaana ku dhintay 251 qof halka ay dhaawacyo soo gaareen ku dhawaad 2,200 oo dheeraad ah.
Sido kale Fatwada ayaa soo jeedinaysa in madaxweynaha Indonesia Joko Widodo, saraakiisha dowlada iyo Culimada ay iska kaashadaan in la istaajiyo buugagta uu faafiyo dhaqdhaqaaqa FETO.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *