Maxkamada sare oo amartay in Maribe lagu sameeyo baaritaano dhanka maskaxda ah

Kadib amar ka soo baxay agaasimaha waaxda dacwad oogidda ee dalka Mr. Nuurdiin Xaaji waxaa saaka maxkamada Milimani ka soo hormuuqday eedeysanayaasha loo haysto dilka Monica Kimani oo bishii hore ka dhacay magaaladatani Nairob kadib markii ay ka timid caasimadda Suudaanta koonfureed ee Jubba.
Maxkamada ayaa markii ay dhageysatay labada dhinac amartay in ilaa iyo isniinta xabsiga lagu sii hayo suxufiyadda ka howlgasho telefishinka Citizen Jacque Maribe iyo Joseph Irungu oo uu xiriir ka dhexeya.
Garsoore Jessi Lessit ayaa go’aamisay in baaritaano maskaxeed lagu sameeyo Maribe ka hor inta aysan maxkamada dib ugu soo laaban si ay u codsato in damiin lagu siidaayo.
Qareenka matalaya Suxufiyaddan Danstan Omari ayaa sheegaya inaysan jirin sabab keeni karto in eedeysanaha loo diido in lagu siidaayo damiin lacageed.
Mr. Irungu ayaa isna fursad u helaya daryeel caafimaad maadaama uu dhaawac ka soo gaaray gacanta kadib markii qareenka u doodayay iyo qoyskiisa ay sheegeen inaan la daweynin.
Nuurdiin Xaaji ayaa sheegaya inay jiraan caddeeyo wax ku ool ah oo loo cuskan karo eedeymaha loo soo jeediyay labadaasi qof.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu si madax bannaan dib u eegis ugu sameeyay caddeeymaha loo soo bandhigay sidaasi awgeedna uu ku qancay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *