Nairobi oo laga mamnuucay xafladaha qalin jebinta ee ardayda dhigta fasalada ugu hooseeya dugsiyada dalka

Maamul goboleedka Nairobi ayaa mamnuucay in la qabto xaflado qalin jebin ah oo loogu talagalay ardayda dhigatada fasalada loo yaqaano ECDE-da ee dugsiyada hoose dhexe ee dalka.
Dhamaan dugsiyada dowlada ee ku yaallo caasimadda dalka ayaan lagu qaban karin xafladahaasi oo lagu tilmaamay kuwo waalidiinta ku sababa hoos u dhac dhaqaale.
Wasiiradda tacliinta ee ismaamulka Nairobi Janet Ouko ayaa amarkan soo saartay maanta oo talaado ah.
Waxay sheegtay in guud ahaan dalka tacliinta dugsiyada hoose dhexe ay lacag la’aan tahay sidaasi awgeedna aanan loo baahnayn in waalidka qarashaad dheeraad ah uu ku bixiyo.
Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay inay jiraan dugsiyo qorsheynaya in waalid kasta oo uu canugiisa xafladaasi ka qeyb galaya laga qaado 1,000 ilaa iyo 1500 oo shilinka dalka ah.
Bishii lixaad ee sannadkan ayay ahayd markii barasaabka Nairobi , Mike Sonko uu shaaciyay inaan lacago laga qaadi karin ardayda dhigaya 205 oo xarumahaasi ah.
Dowlada ayaa miisaaniyad sannadeedka 2018 -2019-ka tacliinta hoose ee ECDE-da u qoondeysay miisaaniya dhan 70 milyan oo shilin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *