Ochillo Ayacko oo ku guuleystay senetarnimada Migori

War dhawaan naga soo gaaray ismaamulka Migori ayaa sheegaya in tartankii loogu jiray qabashada xilka senetarnimo ee maamul goboleedkaasi uu ku soo baxay Ochillo Ayacko oo ahaa musharaxa xisbiga ODM
Waxaa uu helay codad dhan 85, 234 halka Eddy Oketch oo la tartamayay kana tirsan xisbiga (FPK) uu helay 60, 555 oo ka mid ah codadkii ay dadweynaha dhiibteen.
Xilka senetarnimo ee Migori ayaa bannaanaaday bishii lixaad ee sannadkan kadib markii uu geeriyooday Ben Oluoch oo shacabka degaanadaasi ku matalayay aqalka sare.
Mr Ayacko ayaa tan iyo xalay musharaxiinta kale ku hoggaaminayay codadkii la tiriyay ee ka soo dhacay 8 degaan baarlamaneed.
Codeynta ayaa waxaa u soo baxay boqolkiba 38.02 ee 388,633 oo ah codbixiyaasha isdiiwangeliyay.
Degaan baarlamaaneedyada Migori ayaa kala ah Uriri, Rongo, galbeedka Suna , bariga Suna ,Nyatike, galbeedka Kuria, bariga Kuria iyo Awendo waxaana hallaabay 511 codad ah.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo uu dhanka kale weli xabsiga ku jiro barasaabka ismaamulkaasi Mr Okoth Obado oo lala xiriiriyay dilkii Sharon Otieno oo ka mid ahayd ardayda jaamacadda Rongo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *