Warbixin laga soo saaray dhibaatooyinka Israa’iil ay u geysato haweenka falastiin ee maxaabiista ah

Mid ka mid ah hay’adaha u ololeeya xuquuqda falastiiniyiinta ayaa sheegtay in xabsiyada Israa’iil ay ku dhibaateysanyihiin haween badan oo la kala geeyay iyaga iyo carruurtooda.
Warbixin dhawaan uu soo saaray ururka xuquuqul aadanaha ee Addameer Prisoner Support ayaa lagu sheegay in 51 haween ah ay u xiranyihiin Israa’iil.
Maxaabisitan ayaa ka mid ah sagaal dumar ah oo ay dhaawacyo soo gaareen iyo 2 carruur ah.
Hay’addan ayaa warbixinteeda ku sheegtay in tan iyo sannadii 2015-kii la xiray 516 haween ah oo u dhashay Falastiin.
90 ka mid ah haweenkaasi ayaa xasbiyada Israa’iil loo taxaabay tan iyo bilowgii 2018-ka.
Bishii hore ayay ahayd markii ciidamada Israa’iil ay weeraren guriga suxufiyad Falastiin ah oo lagu magacaabo Lama Khater oo ku yaalo magaalada Hebron ee daanta galbeed kadibna ay xireen.
Hay’addan Addameer, ayaa sido kale sheegtay in Israa’iil ay tan iyo 1967-dii xirtay haween Falastiiniyiin ah oo gaaraya 10,000
Qiyaastii 6,500 oo falastiiniyiin ah ayaa hadda ku jiro xabsiyada Israa’iil waxaana maxaabiista la sheegaa in loo geysto jirdil iyo xadgudubyo kale in kastoo Israa’iil ay si joogta ah u beeniso.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *