In ka badan 40 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Kericho

Ugu yaraan 42 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen shil saaka ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Londiani iyo Muhoroni ee ismaamulka Kericho.
Ciidamada booliska ayaa sheegaya inuu shil galay bas ka ambabaxay Nairobi kuna wajahnaa Kisumu.
Taliyaha ciidamada Taraafikada ee gobolka Rift Valley Zero Arome ayaa carrabka ku dhuftay in baabuurka ay saarnayeen 52 qof oo rakaab ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhaawaca la geeyay isbitaalka Muhoroni halkaasi oo lagu daaweynayo.
Waxaa uu shilku ka dhacay degmada Fort Tenan sida uu xaqiijiyay taliyaha saldhigga booliska ee degaanklaasi Charles Ocharo.
Mr.Ocharo ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan caddeyn sababta shilkaasi ka dambeysay welina ay socdaan howlaha samata bixinta.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *