Madaxweynaha dalka oo la kulmay siyaasiyiinta galbeedka wadanka

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa kulan ku saabsan horumarka iyo dib u heshiishiinta la qaatay madaxda siyaasadeed oo 5 ka mid ah ismaamulada gobolka galbeed ee dalka.
Waxaa sido kale kulankaasi ka qeyb galay xubno ka tirsan xisbiga Wiper oo uu horkacayay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Kalonzo Musyoka .
Mr. Kenyatta ayaa siyaasiyiinta uu la kulmay kala hadlay sida la isaga kaashan karo ka dhabeynta afarta waxyaabood ee ugu waweyn ee maamulka Jubilee uu sheegay inuu xoogga saarayo.
Ajeendayaashan ayaa kala ah adeegyo caafimaad oo dhameystiran, wax soo saarka, guriyeynta iyo la tacaalidda cuno yarida.
Kulankaasi ayaa sido kale diiradda lagu saaray la dagaalanka musuqmaasuqa iyo heshiiskii dhexmaray Raila iyo Uhuru 9-kii bishii saddexaad ee sannadkan.
Madaxda uu madaxweynaha casuumay waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Moody Awori, guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Kenneth Marende iyo mudanayaal hadda ka tirsan golaha qaran ee sharci dejinta.
Moses Wetangula oo ka mid ah madaxda sar sare ee urur weynaha mucaaradka Nasa ayaa Mr. Kenyatta u xaqiijiyay inay dowlada kala shaqeynayaan horumarinta wadanka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *