Madaxweynaha Maldives oo ka soo horjeestay natiijadii doorashada guud ee dalkaasi

Hoggaamiyaha wadanka Maldives Cabdulla Yameen ayaa maxkamada u gudbiyay dacwad ka dhan ah natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxtinimo ee dhawaan loogaga adkaaday.
Waxaa uu ku doodaya inay jiraan cabashooyin badan oo kaga imaanaya tageerayaashiisa.
Qareenka madaxweynaha dacwadaasi ku matalaya Maxamad Saliim ayaa sheegay inay maanta kiis u gudbiyeen maxkamada ugu sarreeysa ee Maldives.
Cabdulla Yameen ayaa waxaa doorashadii dhacday 23-kii bishii hore kaga guuleystay madaxii mucaaradka Ibraahim Maxamad Soolih.
Natiijadii ka soo baxday doorashadaasi ayaa waxaa ogolaaday oo soo dhaweeyay wadamo ay ka mid yihiin Maraykanka, Shiinaha , India iyo midowga Yurub.
Waxaa lagu tilmaamay mid Maldives u horseedeysa bog cusub oo dhanka dimuqaradiyadda ah.
Cabdulla Yameen ayaa doorashada kadib qirtay in laga adkaaday hasa ahaate waxaa uu hadda sheegaya inay jireen wax isdaba marino in kastoo looga fadhiyo inuu soo bandhigo caddeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *