Maxkamad ku taallo Bangladesh oo dil ku xukuntay 19 eedeysanayaal ah

Maxkamad uu fadhigeedu yahay caasimadda wadanka Bangladesh ee Dhaka ayaa xukuno dil ah ku riday 19 qof oo eedeysanayaal ah.
Eedeyanayaasha aya badankoodu ka tirsan xisbiga BNP waxaana ka mid ah wasiir ku xigeenkii hore ee arrimaha gudaha ee dalkaasi Lutfuzzaman Babar.
Waxaa lagu eedeyay weerar 2004-tii lala eegtay isku soo bax ay soo qabanqaabisay ra’iisul wasaaraha hadda xilka haysa Sheekh Xasina oo xiligaasi ahayd madaxa mucaaradka.
Weerarkaasi waxaa ku dhintay ilaa iyo 24 qof in kastoo Xasina ay ka badbaaday.
Waxaa sido kale ku dhaawacmay dad ay tiradoodu kor u dhaafeyso 500 oo qof.
Hasa ahaate qareenada matalaya eedeysanayaasha dilalka lagu xukumay ayaa sheegay inay racfaan ka qaadanayaan amarka maxkamada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *