Shirka guddiyada dastuuriga ah oo ka furmay Meru

Waxaa maanta ismaamulka Meru ka furmay kulankii 7-aad ee sannadlaha ah oo ay yeelanayaan guddiyada dastuuriga ah iyo maamulada madaxa bannaan ee wadanka ka jira.
Waxaa shirkan diiradda lagu saaraya sida dadweynaha fursad buuxda loogu siin karo inay afkaartooda ku biiriyaan arrimo kala duwan sida shuruucda la meel mariyo iyo isbedelada la sameeyo.
Sido kale waxaa dib loo eegaya sida tan iyo 2010-kii shacabka fursad loogu siinayay inay aaraadooda soo gudbiyaan.
Xiligaasi ayaa waxaa la soo saaray dastuur cusub oo weli la isticmaalo in kastoo maalmihii la soo dhaafay si weyn loo hadal hayay olole loogu jiro in wax laga bedelo.
Guddomiyaha guddiga adeega macalimiinta ee TSC ,Lydia Nzomo ayaa sheegtay in waxyaabaha laga hadli doono ay ka mid tahay kaalinta shacabka ee ku aaddan barnaamijyada iyo shari dejinta.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa la filaya inuu maalinka jimcada ah soo xiro kulankan oo la qorsheeyay inuu socdo saddex maalmood laga bilaabo maanta.
Guddiyada ama maamulada ka qeyb galaya waxaa ka mid ah hanti dhowraha qaranka, sarkaalka qaabilsan maareynta miisaaniyadda , guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC, Guddiga adeega garsoorka ee JSC, guddiga adeegga macalimiinta ee TSC, Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC iyo kuwo kale oo dhowr ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *