Waxaa maanta loo dabaaldegayo maalinka loo yaqaano Moi Day oo loogu magacdaray hoggaamiyihii labaad ee dalka uguna mudada dheeraa Daniel Toroitich Arab Moi.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa xuska maalinkan dib u soo celiyay kadib dood in muddo ah socotay.
Bayaan uu wasiirku soo saaray isniintii ayuu ku sheegay in iyadoo la cuskanayo dib u eegis ka soo baxday garsoorka dalka sannadii 2017-kii , maxkamadda ay go’aamisay in 10-ka bishan Tobnaad ee Okotobar ay tahay maalin qaran sidaasi awgeedna ay habboontahay in loo dabaaldego.
Wasiirka ayaa shaaciyay in maanta ay tahay maalin fasax ah oo shaqaalaha dowlada ay nasanayaan si dadweynaha fursad loogu siiyo inay ka qeyb qaataan munaasabadaha lagu maamuusayo maamulkii Moi.
Dr.Matiang’I ayaa intaasi ku daray in kastoo Moi Day meesha laga saaray sannadii 2010-kii , aysan jirin saameyn dalka ka soo gaareyso hadii dib loo soo celiyo.
Xuska maalinka Moi Day ayaa ka mid ahaa maalmaha qaran ee loo dabaaldego wixii ka horeeyay dastuurka cusub ee dalka.

Garsoore George Odunga ayaa 8-dii bishii Novembar ee sannadkii tagay go’aamiyay inay sharci darro ahayd tallaabadii meesha looga saaray xuska Moi Day.
Hadaba sideey shacabka Kenyaanka ah u arkaan xuskan dib loo soo celiyay
Cod

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *