3 Qof oo ku Dhimatay Dhulgariir ku Dhuftay Indonesia

Ugu yaraan  3 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen wadanka Indonesia   kadib markii uu halkaasi saameeyay  dhulgariir  cabbirkiisu lagu qiyaasay  6.4.

Guddiga   qaran ee Indonesia  u qaabilsan maareynta musiibooyinka   ee  (BNPB)  ayaa sheegay in dhacdadaasi ay si gaar ah u saameysay  degmooyinka   Gayam ,bariga   Java iyo   Bali.

Dhulgariirka ayaa waxaa sido kale ku burburay dhismooyin dhowr ah oo ku yaallo degmooyinkaasi.

Waaxda saadaasha  hawada ee  Indonesia   ayaa  sheegtay  in dhulgariirka   la dareemay abaare 1:57  arrornimo ee saacadda dalkaasi.

Dhawaan ayay ahayd markii wadankaasi ay ku dhufteen dhulgariir iyo sunaami  galaaftay noolosha  ku dhawaad 2000 oo qof halka  in ka badan  70,000 oo guriyo ahna ay ku burbureen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *