
Bangiga adduunka ayaa sheegay in dowlada Kenya ay sameysay dadaal dheeraad ah maadaama ay dhaqangelisay barnaamij lacago lagu siiyo dadka wayeelada ah ee u nugul dhibaatooyinka.
Arintan ayuu bangigu saaka shaaca uga qaaday magaaladatani Nairobi.
Utz Pape waa sarkaal sare oo bangiga u qaabilsan dhanka dhaqaalaha wuxuuna sheegay inay lagama maarmaan tahay in la tageero kenyaanka saboolka ah sido kalena la badbaadiyo qoysaska danyarta ah.
Mr. Utz ayaa hadalkan jeediyay xili uu soo bandhigayay qiimeynta 18-aad ee bangigu uu ku sameeyay dhaqaalaha dalka.
Waxaa warbixintaasi qeyb ka ah in barnaamijka ay waddo dowlada dhexe ee lacagaha lagu siiyo dadka da’da ah iyo qoysaska u nugul dhibaatooyinka sida macluusha iyo abaaraha ay ka faaiideen ugu yaraan boqolkiba 40 ee dadka saboolka ah.
Dowlada ayaa bishii afaraad ee sannadkan sheegtay inay diiwangelisay in ka badan 1.2 milyan oo kenyaan ah.
Waxaa barnaamijkan loogu magacdaray ‘inua jamii’ iyadoo bil kasta 2000 oo shilin la siiyo qof waliba oo isdiiwangeliyay da’diisana ay tahay 70 sano iyo wixii ka sareeya.
Warbixinta bangiga adduunka ayaa lagu sheegay in Kenya lagu amaanayo barnaamijyada laga badbaadinayo bulshada hasa ahaate loo soo jeedinayo inay sii ballariso si dad badan ay uga faaiideystaan.