Caalamka oo laga Xusayo Maalinka Gabdhaha Adduunka

Waxaa guud ahaan caalamka  maanta laga xusaya maalinka  gabdhaha adduunka   oo sannad kasta loo dabaaldego 11-ka bisha Oktoobar ee aan ku guda jirno.

Waxaa  sii badanaysa  baahida loo qabo  xirfadlayaasha doonaya inay  ka shaqeyaan  caalamka  maadama  wax soo saarku  uu sara u sii kacayo.

Dhanka kale waxaa guud ahaan dunida hadda shaqa la’aan ah ama aanan haysan tababaro ku filan   afar meelood hal meel dhalinyarada  tiradan oo badankeedu  gabdha ah.

Xuska maalinkan ayaa loogu talagalay in beesha caalamka lagu baraarijiyo in gabdhaha  la siiyo fursado waxbarasho  si ay u shaqeytaan  ugu dambeyna guul uga gaaraan noolosha.

Hal  ku dhigga   dabaaldegga   maalinka gabdhaha adduunka ee sannadkan ayaa ah  gabadh xirfad leh.

Dadweynaha iyo dowladaha ayaa lagu wacyigelinaya inay meesha ka saaran fikradaha  khaldan  ee ka dhan ah jinsiyadda  iyo in sido kale  gabdhaha iyo wiilasha   la siiyo fursado siman oo dhanka tacliinta ah.

Sido kale waxaa  loo ololeynaya  in gabdhaha ay si weyn uga  dhexmuuqadaan tababarada  la xiriira    sayniska , teknoolojiyadda ,injineernimada iyo xisaabta.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa qoraal uu soo dhigay barta twitarka  ku sheegay in la doonayo in lagu dadaalo sidii  gabdhaha ay ku heli lahayeen fursado la siman kuwa wiilasha la siiyo oo dhan waliba ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *