Dowlada Ismaamulka Kericho oo Bixinaysa Qarashaadka Caafimaad ee Rakaabkii Shalay Dhaawacmay

Barasaabka  maamul goboleedka  Kericho Paul Chepkwony  ayaa sheegay in dowlada  uu hoggaamiyo ay bixin doonto qarashaadka caafimaad ee   dhamaan   16 qof oo uu dhaawac soo gaaray shalay  kuwaaso isbitaalada la dhigay.

Shilkan oo   ka dhacay degmada Fort Ternan ee dowlad degaanka Kericho ayaa waxaa ilaa iyo hadda ku dhintay  56 qof.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray inay qaadayaan tallabooyin ay ka mid tahay  in qoysaska ay dhibaatada soo gaartay  xita laga cafiyo qarashaadka  la xiriita  goobta meydadka la dhigay.

Sido kale ehelada dadkii shilka ku nafwaayay ayaa la talin loo sameynaya si ay  ula qabsadaan  uguna samraan  dhibaatada la soo daristay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *