Golaha Wasiiradda ee Malaysia oo Meesha ka Saaray Xukunada Dilka

Golaha wasiirada ee dalka Malaysia ayaa  kulan ay yeesheen  ka soo saaray heshiis ah in meesha laga saaro  xukunada dilka ah ee ay maxkamaduhu ku fuliyaan eedeysanayaasha.

Tallaabadan ayaa waxaa  soo dhaweeyay  hay’adaha caalamiga ee u ololeeya xuquuqul aadanaha iyo dibloomaasiyiinta shisheeye.

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee  Amnesty International  ayaa go’aanka wasiiradda ku tilmaantay  mid ku dayasho mudan.

Wadamo  badan oo ay ka mid yihiin Shiinaha ,Singapore, Indonesia, Thailand  iyo  Vietnam ayaa weli  isticmaala  xukunada  dilka  in kastoo   142  wadan oo ku yaalla caalamka ay meesha ka saareen.

Isniinta ayaa la filaya in baarlamaanka wadankaasi uu ka doodo hindise sharciyeed la xiriira arrinkan ay dowlada  Malaysia soo jeedisay.

Wasiirka  arrimaha dastuurka ee Malaysia Liew Vui Keong ayaa sheegay in gebi ahaanba aanan  la adeegsan doonin xukunada dilalka.

Mr.Keong ayaa ku baaqay  inaan cidna dil lagu  fulin  maadaama  arrinkan laga qaadanayo go’aano masiiri ah.

Wasiirka warfaafinta ee Malaysia Gobind Singh Deo ayaa dhankiisa wakaalada wararka ee AFP u sheegay inuu rajeynayo in  dhawaan isbedel lagu sameeyo shuruucda  la xiriira xukunada  dilalka ah.

Tallabadan ayaa imaanaysa iyadoo   in ka badan  1,200 qof  ay maxkamaduhu  amreen in la dilo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *