Hanti Dhowraha Guud ee Dalka oo Su’aal Geliyay ku Dhawaad 10 Bilyan oo ay IEBC Isticmaashay

Hanti dhowraha guud ee qaranka  Edward  Ouko ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC uusan caddeeynin qaabkii loo adeegsaday  dhaqaale gaaraya 9.5 bilyan oo shilin.

Waxaa warbixinta qeyb ka ah in ilaa iyo hadda aanan  faahfaahin dhameystiran laga bixin oo looga shakisanyahay in  lacagtaasi la lunsaday.

Guddiga IEBC ayaa bixiyay qandaraasyo dhowr ah  oo la siiiyay  shirkado qalabka doorashooyinka ku wareejiyay.

Lacagtan ayuu Mr. Ouko sheegaya in la  isticmaalay xiligii doorashadii guud ee bishii sideedaad  iyo midii ku celiska ahayd  ee bishii tobnaad ee sannadkii hore.

Warbixintan ayaa baarlamaanka dalka la horgeeyay  galinkii dambe ee talaadada waxaana ku  cad in  la lunsaday kheyraadka dadweynaha loogu adeego ee loo qoondeeyay maareynta doorashada.

Hasa ahaate  guddiga madaxa bannaan ee dpprashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaanan ilaa iyo hadda  ka jawaabin eedeymaha warbixintaasi   loogu   soo jeediyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *