Kuuriyada Koonfureed oo ay Ruurtagal Tahay inay Xxayiraadda ka Qaaddo kkuuriyada Waqooyi

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee kuuriyada  koonfureed ayaa sheegay inay ka baarandegayaan  in kuuriyada waqooyi laga qaado cunaqabateyn la saaray sannadkii 2010-kii.

Kang Kyung-wha  ayaa intaasi ku daray  in tallaabadan lagu doonayo   in lagu sii wanaajiyo xiriirka  dibloomaasiyeed ee ka dhexeya labada dal.

Mas’uulkan ayaa  baarlamaanka dalkaasi u sheegay in  xukuumada Seoul   ay dib u eegis  ku sameynayo  in xayiraaddaasi la qaadayo iyo in kale.

Cunaqabateynta    ayaa timid  kadib  weerar   xiligaasi lala eegtay markab ay saarnayeen   saraakiil u dhashay kuuriyada koonfureed   halkaasi oo lagu dilay  45  ka mid ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *