Madaxweynaha oo Maanta ka qeyb Galaya aaska Heesaa Geeriyooday

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa la filaya inuu maanta ka qeyb galo aas loo sameynayo  heesaa   lagu magacaabo  Joseph Kamaru oo maalmo ka hor  geeriyooday.

Mr. Kamaru ayaa lagu aasi doonaa  xaafadda  Kaharati  ee ismaamulka  Murang’a .

Waxaa munaasabad baroordiiq ah lagu qabanaya   dugsiga hoose dhexe ee  Muthithi  halkaasi oo lagu wado in madaxweynaha uu kula hadlo ehelada  duugtaasi ka soo qeyb galaya.

Mr. Kamaru oo dhashay  sannadii  1939, ayaa lagu xasuustaa heesa dhowr oo uu qaaday kuwaaso uu diiradda ku saari  jiray ilaalinta dhaqanka iyo anshaxa wanaagsan.

Waxaa uu sido kale ka hadli   jiray arrimaha bulshada, siyaasadda, xuquuqul aadanaha  iyo  dhinacyo kale oo taabanaya Kenyaanka.

3-dii bishan  ayuu ku geeriyooday  isbitaalka MP Shah  ee magaaladatani Nairobi oo laga dabiibayay

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *