Mid ka mid ah Eedeysanayaashii loo Haystay Dilkii Monica Kimani oo la Siidaayay

Maxkamada   ismaamulka  Kiambu ayaa maanta siideysay   eedeysane lagu magacaabo  Brian Kassaine oo lala xiriiriyay dilkii bishii hore xaafadda Kilimani ee magaaladatani Nairobi loogu geystay Monica Kimani.

Mr. Kassaine,  oo xabsiga loo taxaabay  13 maalmood ka hor ayay maxkamadu amartay  inuu muddo laba bilood ah subax waliba oo khamiis ah iska xaadiriyo xarunta  ugu weyn ee  waaxda  dembi baarista ee DCI-da.

Mr Maxwell Otieno oo ka mid ah sarakiisha sarsare  ee dowlada u qaabilsan baaritaanada   ayaa sheegay in   Mr. Kassaine weli lagu hayo  baaritaano ku aaddan dilka dhacay.

Dhanka kale maalinka isniinta ah ee toddobaadka  soo socdo ayaa mar kale maxkamada la soo taagaya  Jacque Maribe  oo suxufiyad  ah iyo  Joseph Irungu oo labaduba falkaasi lagu eedeyay.

Sarakiisha baaritaanada sameynaya ayaa maxkamada ka  codsaday  inay siideyso  Mr .Kassaine in kastoo  arrinkaasi   ay shardi ku xireen.

Qareenka  eedeysanahan  ,Kefa Ojijo  ayaa  dhankiisa codsaday inaan siideyntiisa  shuruud lagu xirin hasa ahaate maxkamada   ayaa  ka diiday.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *