Tirada Dadka ku Dhintay Daadadkii Nigeria oo Gaartay 199

Maamulka qaran ee Nigeria u qaabilsan maareynta musiibooyinka ayaa sheegay in ilaa iyo hadda  199 qof ay ku dhinteen daadad.

Fatahaadaha  ayaa si gaar ah u saameeyay  gobolada bartamaha iyo koonfurta wadankaasi.

Tiraddan ayaa  saddex jibaar ka badan midii la soo tabiyay saddex   isbuuc ka hor.

Daadadkan ayaa ah kuwii ugu darnaa  ee Nigeriya  ku dhufto  tan iyo sannadkii 2012-kii  markaasi   ay galaafteen noolosha  363  qof.

Saameynta ka dhalata fatahaadaha  ayaa  waxaa sara u sii qaada kaabayaasha wadooyinka oo aanan wanaagsanayn iyo  qorsho xumi jirta.

Tan iyo bishii sideedaad ee sannadkii hore waxay 2018-ka  daadadku saameeyay  12 ka mid ah 36-da gobol ee Nigeria.

Dhibaatada ayaa waxyeeleysay  1.92 milyan oo qof waxaana  guriyahoofa ka barakacay  560,000  oo ka mid ah sida laga soo xigtay  maamulka qaran ee maareya  xaaladaha degdegga ah ee (NEMA).

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *