Xoghayaha Qaramada Midoobay oo ka Hadlay Shilkii Shalay ka Dhacay Kericho

Xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa   Mr. António Guterres ayaa sheegay in shilkii shalay ka dhacay ismaamulka Kericho uu ku reebay walaac xooggan.

Waxaa uu tacsi u diray  qoysaska  ay eheladooda ku dhinteen shilkaasi laga soo tabiyay  degmada  Fort Ternan.

Afhayeenka Mr. Guterres  ,Mr Stephane Dujarric ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay  inay nasiib darro ahayd in  ugu yaraan 55 qof ay ku nafwayaan dhacdadaasi.

Dadka dhintay  ayaa isugu jira  7 carruur ah  oo ay da’dooda ka hooseyso 5 sano, 31 rag  iyo 12 haween ah.

Hay’adda laanqeerta cas Kenya ayaa  barta Twitarka soo dhigtay qoraal ay ku sheegeyso inuu baska rogmaday  in kastoo faahfaahin dheeraad ah aysan bixin.

baskan oo leh 67 kuraasi ayaa markii uu dhacayay   marayay meel jooggeedu sareeya.

Taliyaha  booliska ismaamulka   Kericho ,James Mogera  ayaa carrabka ku dhuftay inay suurtagal tahay inuu sara u sii kaco khasaaraha ka dhashay shilkaasi.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo warbixin la soo saaray lagu sheegay in sannad kasta gudaha dalka     3000 oo qof  ay ku dhintaan shilalka wadooyinka.

Hasa ahaate  hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa  tiradaasi  ku sheegtay inay gaari karto ilaa iyo  12,000.

Bishii Disembar ee sannadkii hore ayay  36 ku dhinteen shil u dhaxeeyay bas iyo mid ka mid ah baabuurta  xaamulka qaada.

Sannadkii ka sii horeeyay ee  2016-kii, in ka badan   40 qof ayuu nooloshoodu  shiil galaaftay.

Sannadkan gudihiisa oo keliya  2, 335 oo qof ayaa shilal kala duwan ku dhintay waxayna u dhigantaa  sara  u kac ah boqolkiba 10 marka la barbardhigo sannadkii 2017-kii.

Taliyaha ciidamada wadooyinka ama taraafikada ee dalka  Mr.Samuel Kimaru ayaa  8-dii bishan Oktoobar   sheegay  inay dhinteen  239  darawaliin ah  ,529  rakaab ah  ,435 ka mid ah wadayaasha  mootooyinka   iyo   42 kaxeynayay  baskiliga

Hadalkan ayuu ka jeediyay   magaalada Narok wuxuuna hoosta ka xariiqay in  shilal badan laga hor tagi karo inay dhacaan hadii  wadayaasha baabuurta ay  feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

Mr Dujarric ayaa intaasi ku daray inuu sido kale  madaxa  qaramada midoobay murugada la qeybsanayo  dadka iyo dowlada Kenya.

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Kakamega    ayaa galinkii dambe ee shalay  xabsiga u taxaabay  Mr Cleophas Toto Shimanyula  iyo  Mr Benard Ishindu Shitiabayi oo ah mulkiilayaasha  baska  shilka galay.

Labadan qof  ayay boolisku su’aalo weydiinayaan   waxaana   loo soo qaadi doonaan magaalada  Londiani ee maamul goboleedka Kericho.

Agaasimaha guud ee maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka wadooyinka ee NTSA  Francis Meja,  ayaa sheegay   in  shirkadda basaska ee  Western Cross  oo mid ka mid ah baabuurteeda uu shilka galay aysan  lahayn leesin ama ogolaansho  ay habeenkii ku shaqeyn karto.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *