12 oo loo xiray bilyaneer lagu afduubtay Tanzania

Ciidamada booliska ee magaalada Daresalaam ee dalka Tanzania ayaa xiray 12 qof oo eedeysanayaal ah oo looga shakisanyahay afduub loo geystay bilyaneer lagu magacaabo Maxamad Dewji
Mr. Dewji ayay koox hubeysan kaxeysatay habeenimadii khamiista xili uu galay goob jimicsi.
Eedeysanayaasha ay boolisku hayaan waxaa ka mid ah saddex qof oo ka shaqeynayay maqaaxi halkaasi ku taallo iyo 5 sarkaal oo ilaala ka ahaa.
Taliyaha booliska ee magaalada Daresalaam Lazaro Mambosasa ayaa sheegay inay su’aalo weydiinayaan 12-ka qof ee la soo qabtay.
Booliska ayaa ku dadaalaya inay ogadaan sida uu afduubku u dhacay iyo ujeedadii laga lahaa.
Mr. Dewji ayaa ka mid ah bilyaneerada ugu da’ada yar qaaradda Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *