DHAGEYSO Arday dibadbax ka sameeyay Mombasa

Qaar ka mid ah ardayda dhigta jaamacadaha laamaha ku leh ismaamulka Mombasa oo ay wehelinayaan ururada bulshada ayaa maanta dibadbax ka sameeyay maamul goboleedkaasi.
Waxay muujinayeen sida ay uga xunyihiin dilal maalmihii la soo dhaafay dhacay oo qaarkooda laga soo tabiyay degaanka Kisauni.
Dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in dad badan ay iska kaashadaan dilka qof eedeysane ah ama ay ku tuhmayaan dembi uu geystay.
Saraakiisha ammaanka ee Mombasa ayay ku eedeyeen inaysan falalkaasi ka hor tagin ama sida habboon ula tacaalin.

Weli waxaan ku guda jirnaa wararka gobolka xeebta ee dalka , 2000 oo qoysas ah oo ku nool Lamu ayaa ka faaiideysanaya daaweyn caafimaad oo lacag la’aan ah kadib markii dowlada ismaamulkaasi ay heshiis la saxiixatay waaxda caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *