DHAGEYSO Dib u eegista Dastuurka Soomaaliya oo la shaaciyay xiliga la soo gabagabaynayo.

Gudoomiyaha gudiga dib u eegista dastuurka Soomaaliya Senator Cabdi Xassan Cawale qaybdiid ayaa sheegay inay dadaal dheeraad ah ku bixinayaan dhamaystirka howlaha dib u eegista ah ee hada ay ku wadaan Dastuurka Qabyada ah ee dalka Soomaaliya.
Senator Qaybdiid ayaa sidoo kale tilmaamay in ugu danbayn dabayaaqada sanadka soo socda ee 2019-ka ay baarlamaanka u gudbin doonaan cutuyada Dastuurka Soomaaliya ee ay dib u eegistiisu hada Socoto baarlamaankuna uu qaadan doono go’aanka ugu danbeeya ee ku aadan dhamaystirka xeerka qaranka.

Magaalooyinka waa weyn ee dalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay shirar looga hadlayay dhamaystirka Dastuurka KMG Soomaaliya waxaana ugu danbeeyay shirkii maalin ka hor lagu soo gabagabeeyay magaalada Garowe ee caasimada u ah maamulka Puntland qodobadii shirkaas laga soo saaray ayaana waxaa ka dib ahaa in dhamaan hogaamiyeyaasha Soomaalidu ay hal meel uga soo wada jeestaan qorshaha lagu dhamaystirayo Dastuurka Qabyada ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *