Gudoomiyaha ismaamulka Migori oo dacwadiisa go,aan laga gaari doono 24-ka bishan October

Guddoomiyaha isamamul goboleedka Migori Okoth Obado ayaa xabsiga lagu sii hayn doona illaa iyo 24-ka bishan October isagoona waqtikaasi go’aan laga gaari doono dacwadaha loo heysto.
Garsooraha Maxkamadda milimani Jessy Lessit ayaa sheegtay in ay soo saari doonto go’aan ku saabsan haddii Obado iyo eedeysanayaasha kale lagu sii dayn doono damiin lacageed.
Mr Obado ,caawiyiisa gaarka ah Michael Oyamo iyo nin kale oo lagu magacaabo Caspal Obiero ayaa loo heystaa dilkii loo gaystay Sharon Otieno oo ka mid ahayd ardayda jaamacada Rongo ee ismamaulka Migori.
Xeer-ilaaliyaasha ayaa ku adkaysaneysay in Obado iyo saaxiibadiisa kale lagu sii dayn dammaanad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *