Maalmulaha shirkada PwC oo iska soo tuuray dabaq ku yaalay xaafada Westlands ee Nairobi

Maamulaha shirkada PwC laanteeda Kenya yaa maanta geeriyooday kadib markii uu iska soo tuuray dabaq ka koobnaa 17.
Ciidamada booliska ayaa sheegay in ninkan uu ka soo dhacay dabaqa 17-aad isagaaona ku soo dhacay dabaqa 2 ee xarunta ay xafiiska ku lahayeen shirkada PwC ee xaafada Westlands magaaladatan Nairobi.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in maamulaha shirkadaasi uu dhaawac soo gaaray markii uu soo dhacay waxaa uuna markii dambe ku geeriyooday isbitaalka Aga Khan.
Dhacdan ayaa waxaa xaqiijiyay taliyaha ciidamada booliska Kilimani ee magaalada nairobi.
Ila iyo hadda lama oga sababihii uu isku dilay sarkalkaasi balse ciidamada booliska ayaa sheegay in ay baaritaano bilaabeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *