Machadka ICPAK oo soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo shuruucda dalka

Machadka xisabaadka ee ICPAK ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka wadanka u degsan.
Tallaabadan ayuu sheegay in lagu yareyn karo qarashaadka ku baxa howlaha dowlada sido kalena shacabka looga dulqaado culeyska dheeraadka ee dhanka maciishadda ah.
Machadkan ayaa soo jeediyay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay in la dhimo musharaadka shaqaalaha dowlada.
Guddoomiyaha ICPAK Mr. Julius Mwatu ayaa sheegay in miisaaniyadda qaran oo gaartay 3 tiriliyuun ay ka dhigantahay in dastuurku uu dalka u horseeday qiimo sareeya oo dhanka maciishadda ah.
Waxyaabaha uu su’aal ka keenay waxaa ka mid ah tirada hoggaamiyaasha siyaasadeed oo ah mid badan.
Mr. Mwatu ayaa carrabka ku dhuftay in la joogo xilligii kenyaanka ay su’aalo iskaweydiin lahayeen tirada mudanayaasha ku matalo golayaasha kala duwan sida baarlamaanka, aqalka sare ee senetka iyo midka wakiilada degaanada hoose ee ismaamulada.
Xubnaha guddiyada dastuuriga ah ayuu u soo jeediyay in laga dhigo ugu badnaan 5 sarkaal.
Sido kale guddoomiyaha ICPAK ayaa dowlada kula taliyay inay dib u eegto waajibaadka iyo shaqooyinka maamulada kala duwan maadaama sida uu hadalka u dhigay ay suurtagal tahay in guddiyo badan ay waajibaadkooda isku mid yihiin ama aysan waxbo ku kala duwanayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *