Tirada dadka ku dhintay dhul go’o ka dhacay Ugandha oo korortay

Ugu yaraan 31 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen degmada Bududa ee bariga wadanka Ugandha kadib markii halkaasi uu ka dhacay dhul go’o ka dhashay roobab xooggan oo da’ay.
Afhayeenka hay’adda laanqeerta cas ee dalka Ugandha Irene Nakasiita ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in warbixinada hor dhaca ah ay muujinayaan in khasaaraha uu sara u sii kici karo.
Xaaladda jirta ayay ku tilmaantay mid walaac laga muujiyo oo keentay in qoysaska qaar ay guriyahooda ka barakacaan.
Sido kale waxaa bayaanka lagu xusay in weli roobab lixaad leh ay ka da’ayaan degmadaasi iyadoo la filayo in magaalooyinka dariska la ah uu dhul go’o saameeyo.
Isku duwaha guud ee maareynta musiibooyinka Ugandha Martin Owor ayaa sheegay in dhibaatadan ay dhacday iyadoo dadka badankoodu ay ku howlanayeen ganacsiyadooda.
Waxaa hadda socdo howlaha samata bixinta iyo sidii gargaar lagu gaarsiin lahaa dhibanayaasha.
Dowlada Ugandha ayaa ku dadaaleysa inay degmadaasi ka saarto qoysaska iyo shakhsiyaadka deggan in kastoo ay jiraan qaar ka mid ah shacabka oo ka soo horjeestay in meelo kale loo raro.
Degmada Bududa ayaa ku taalla dhanka buurta Mount Elgon oo dhacda xadka ay wadagaan wadamada dariska ah ee Ugandha iyo Kenya waxaana inta badan laga soo tabiyaa dhul go’o ay saameyn xooggan ka dhalato.
Sannadihii 2010-kii iyo 2012-kii , ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhimatay dhibaatooyin ka dhashay roobab ka da’ay degmada Bududa waxaana sido kale ku burburay saddex tuulooyin ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *