Wariye Jamaal Khashogii oo la aaminsanayahay in la dilay

Wargeyska Washington Post ayaa qoray in saraakiisha Mareykanka ay ku wargelisay dowladda Turkiga in Ankara ay hayso cod iyo muuqaal caddeynaya in suxufiga Sacuudiga ee Jamal Khashoggi lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.
Codka iyo muuqaalka ayaa muujinaya in Khashoggi lagu xiray qunsuliyadda labadii October kadib markii uu galay, la jir dilay kadibna la dilay oo jirkiisa la jarjaray, sida ay saraakiil Mareykan iyo Turkish ah u sheegeen wargeyska.
Saraakiishan oo aan la magacaabin ayaa sheegay in codka la hayo uu muujinayo caddeymo aad looga naxo oo ku saabsan xaaladda Khashoggi, sida wargayska Washington Post uu qoray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *