41 qof oo ku dhimatay roobab ka da’ay wadanka Uganda

Roobab xoogan oo ka da’ay bariga Uganda ayaa sababay iney buurta Elgon soo dunto waxaana ku dhintay dad gaarayaa 41 qof.
Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa baadi goob ugu jira sidi ay dadka ku aasmay dhoobada ay u soo saari lahaayeen iyada oo dad badanna la waayay
Dhibaatada tuulooyinkaasi ka dhacday waxaa sii huriyey dadku ku mashquulsan soo saaridda dadka aasmay waxaa haddana ku dhuftay daad xoog leh oo tuulooyinka buurta Elgon uga yimid.
Muuqaallada masiibadaasi laga soo duubay ayaa waxay muujinayaan meydad laga soo qufayo dhoobada iyo guriyaha dhexdooda.
Waxaana laga cabsi qabaa in dhimashada ay sare u sii kacdo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *