Baadarigii Mareykanka u dhashay oo Turkiga sii daayay

Maxkamad ku taal dalka Turkiga ayaa xabsiga ka siideysay baadari Mareykan ah oo xarigiisu uu ka dhashay in uu xumaado xiriirka u dhaxeeya Mareykanka iyo dowladda Turkiga.
Andrew Brunson ayaa horey ugu xukunnaa saddex sano oo xarig ah, taa oo uu ku muteystay sida ay sheegtay dowladda Turkiga taageerida kooxaha argagixisada balse shalay ayaa la fasaxay maadaama uu laba sano ku jiray xabsiga.
Madaxweyne Trump ayaa soo dhaweeyay siidenta badarigan waxa uuna sheegay in baadarigaasi uu Mareykanka ku laaban doono sida ugu dhakhsaha badan. Xirnaanshaha baadariga ayaa sababtay in xiriirka Mareykanka iyo Turkiga uu xumaado, hoos u dhacna uu ku yimaado lacagta Liiraha ee Turkiga, kaddib markii cunaqabteyno, canshuuro iyo handadaado badan loo soo jeediyay Turkiga.
Waxaa lagu eedeeyay inuu taageerayay waxa uu Turkigu ugu yeero kooxo argagixiso oo ka dambeeyay inqilaabkii fashilmay ee 2016, eedeymahaasi oo uu marwalba beeninayay.
Madaxweyne Turmp ayaa sheegay in uusan la galin Turkiga heshiis lagu sii daynayo baadarigan u dhashay Mareykanka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *