Guddoomiyihii hore ee ciyaaraha Olombikada dalka oo gacanta lagu dhigay.

Gudoomiyihii hore ee ciyaaraha Olombikada ee dalka Stephen Soi ayaa habeennimadii xalay la xiray isagoona lala xariiriyay lacago musuqmaasuqa oo laga lunsaday ciyaartooydii sanadkii 2016-ka dalka u matalaysay ciyaaraha Olombikaada kaasi oo ka dhacay magaalada Rio ee wadanka Brazil.
Ciidamada booliska ayaa sheegay in mas’uulkani hore ee ciyaaraha Olombikada dalka lagu hayo xabsiga Muthaiga ee magaaladatan Nairobi.
Mr Soi oo ciyaartooyda dhanka Orodka ee Olombikada dalka hogaaminayay ayaa loo heysta inuu si xun u isticmaalay lacagihii loogu talagalay ciyaartoyda orodyahanada Kenyaanka ah ee xilikaasi ka qeyb galayay ciyaaraha Olombikada ee Rio De Janairo ee dalka Barazil.
Wasaarada isboortiga ayaa lagu eedeeyay in ay lunsadeen 88 milyan oo shillinka dalka ah oo loogu talagalay safarka ciyaartoyda .
Laamaha amaanka ayaa sheegay in shaqsiyaadka ku lugta leh ee lunsaday lacagahaasi loogu talagalay ciyaartoydii matalaysay Kenya ee orodadii Olombikada sanadkii 2016-kii gacanta lagu soo dhigi doono.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *