50 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Nigeria

Ugu yaraan 50 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen qarax ka dhashay shidaal oo ka dhacay koonfurta bari Nigeria.
Madaxa gobolkaasi ee maamulka qaran ee maareynta xaaladaha degdega ah Evans Ugoh ayaa sheegay in berri ay soo saarayaan warbixin dhameystiran.
Wakaalada wararka ee Anadolu ayaa ku warameysa in sarkaalkan uu hoosta ka xariiqay inay suuragal tahay khasaaraha oo sara u sii kaco.
Mr.Ugoh ayaa intaasi ku daray in qaraxu uu dhacay galinkii hore ee shalay xili dadka ku dhintay ay doonayaan inay saliid ka helaan duun shidaal oo jabtay halkaasi oo markii dambe uu dab ka kacay.
Sido kale dad dhowr ah ayay dhaawacyo soo gaareen waxaana halkaasi ku burburay dhisme weyn.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *