DHAGEYSO Khasaaraha ka dhashay qarixii baydhabo oo sare u kacday.

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qaraxyadii shalay gelinkii dambe lagu weeraray laba maqaaxi oo ku taalla bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.
Qaraxyadan oo sida la sheegay ay ka danbeeyeen labo ismiidaamiye oo Al-shabaab ka tirsan ayaa lal beegsaday laba maqaaxiyo oo ay dad faro badan ku sugnaayeen.
Khasaaraha dhimashada ayaa hada la sheegayaa inay gaartay 20 ruux halka ay ku dhawaad 30 kalena ay dhaawacmeen, dadkaas ayaana dhammaantood waxay ahaayeen shacab aan waxba galabsan sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiirka amniga Koonfur Galbed Soomaaliya Xasan Xuseen Eelaay oo ka mid ahaa masuuliyiintii gurmadka u fidiyay dadkii ay waxyeeladu soo gaartay ayaa ciidamada ammaanka faray inay galaan feejignaan dheeraad ah, wuxuuna xusay in la raadinayo kooxii falkaas ka danbeeyay.

Kooxda AL-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Baydhabo, waxayna ku faaneen inay beegsadeen saldhig ciidan iyo hoteel uu sida ay hadalkooda u dhigeen leeyahay masuul horey uga tirsanaa dowladda Soomaaliya hadana ka mid ah musharaxiinta xilka madaxweynah koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xukuumadda faray inay si deg deg ah gargaar caafimaad u gaarsiiso dadka dhaawacyada culus qaba ee ay dhibaatadu ka soo gaartay weerarkii xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka bay.
Madaxweynaha oo tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ay waxyeeladu soo gaartay ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan qoysaska dadka ay dhibaateeyeen.
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed inay xoojiyaan wadashaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga, si looga hortago waxa uu ku tilmaamay falalka gurracan ee cadawgu ku beegsanayo shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyay shacabka Soomaaliyeed inay isku duubnaadaan si ay kaga guuleystaan cadawga uu sheegay inay bartilmaameedka ka dhiganaya ciribtirka shacabka Soomaaliyeed, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa si looga sifeeyo guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.
Laba qarax oo is xigay ayaa maqribnimadan xalay ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana ka dhashay qasaare kala duwan.
Qaraxyadan oo daqiiqada un kala horeeyay ayaa waxaay ahaayeen ismiidaamin ay kala fuliyeen shaqsiyaad isku soo xiray waxyaabah qarxa.
Qaraxyada midka koowaad wuxuu ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Bilan ee magaalada Baydhabo, kadib markii ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu halkaasi isku qarxiyay.
llaa Todobo ruux oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxaasi, siidoo kalena ay dadkale dhaawacyo soo gaareen.
qaraxa labaad oo isna ka dhacay maqaayad lagu magacaabo Beder oo ku taala magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku dhintay illaa Saddex ruux, waxaana tirada guud ee dhimashada qaraxyada ay gaaraysaa illaa 10 ruux.
Qaraxa ka dhacay maqaayada ayaa la sheegayaa inuu ku dhintay nin nabadoon ahaa oo goobta fadhiyay iyo dad kale oo shacab ah.
Masuuliyiinta goobaha caafimaadka ayaa sheegay qaraxyadan inay ku dhaawacmeen in ka badan 20 qof.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ilaa xalay ciidamada amaanka ay halkaas ka wadaan howl galo amaanka lagu xaqiijinayo.
Dhanka kale Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee dowlada fedraalka Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay Xasan Aadan Isxaaq oo ka tirsanaa uruka Al-Shabaab Kuna eedaysnaa qaraxii Soobe.
ninkaan ayaa ka mid ahaa dadkii loo qabtay Musiibadii hal sano ka hor maanta oo kale 14-kii bishii October ee sanadkii 2017-kii ka dhacday magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.
Shaqsigaan la sheegay inuu ahaa qofkii waday Gaarigii labaad oo isla maalintaasi ku qarxay meel aanan ka fogayn isqoyska Soobe.
14-kii October oo ah maalintii uu dhacay qarixii ugu qasaarada badnaa eek a dhaca Soomaaliya waxaa Maanta laga joogaa hal sano oo buuxda meelo badan oo Soomaaliya iyo caalamka ka mid ah waxaa laga dhigayaa baroordiiq loogu ducaynayo dadkii ay waxyeeladu saamaysay oo qaarkood ka dhaxlay dhibaatooyin badan oo dhan walba leh.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *