DHAGEYSO Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Marko

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo masuuliyiin ayaa maanta gaaray magaalada Marka eexarunta gobolka Shabeellaha Hoose si uu halkaas kulamo gaar gaar ah ugula soo yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magalaadaas.
Warka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu halkaas u tagay kulamada uu la soo qaadanayo Guutada 14-ka Octobar ee ciidanka xoogga dalka oo kadib markii magaalada Marko laga saaray AL-shabaab amaankeeda gacanta ku haya.
Madaxweynaha ayaa waqti la qaadan doona Guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaasoo ah dhallinyaro ka jawaabay baaqii Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu dhacay qaraxii Zoobe 14 October sanadkii hore.
Xiligii madaxweynaha Soomaaliya uu hal sano ka hor dalbanayya ciidamada difaaca dadweynaha aya hadaladiisa waxaa ka mid ahaa.

Sidoo kale Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo isna isla xiligaas la hadlayay qabo ka mid ah ciidamada qaranka Soomaaliya ayaa sidatan yir.

Ciidanka 14 October ayaa hawlgalo ka dhan ah Ururka Al Shabaab ka wada qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose waxayna kala wareegeen magaalooyin badan oo ay Marka ka mid tahay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *