Ismaamulka Kakamega o baroordiiq u sameynaya dadkii ku geeriyooday shilkii Kericho

Barasaabka maamul goboleedka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa sheegay in dowlad degaanka uu hoggaamiyaha ka yahay uu munaasabad baroordiiq ah u sameyn doono rakaabkii ku dhintay shil maalmo ka hor ka dhacay Kericho.
Arrintan ayuu sheegay xili uu isbitaalka weyn ee Kericho ku booqday qaar ka mid ah dhaawaca halkaasi la dhigay.
Mr. ayaa hoosta ka xariiqay in la soo dhisay guddi loo xilsaaray qorsheynyta iyo maareynta munaasabaddaasi.
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ilaa iyo hadda ismaamulka Kakamega loo qaaday 22 ka mid ah meydadka la aqoonsaday.
Senetarkii hore ee Kakamega Dr. Bonny Khalwale ayaa dhankiisa wasaaradda arrimaha gudaha ugu baaqay inay tallaabo adag ka qaadato sarakiishii taraafikada ee maalinkasi shaqeynayay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *