Maamulka qaran ee degaanka oo sheegay inuu duminayo dhismaha seefaar ee Nairobi

Waxaa ay cabasho xooggan ka dhalatay digniin uu soo saaray maamulka qaran ee maareynta degaanka ee Nema oo ah in 14 maalmood kadib dhulka lagu darayo dhisme ku yaalla magaaladatani Nairobi oo lagu magacaabo seefaar.
Dhismaha gurigan ayaa waxaa sannadii 2013-kii xariga ka jaray wasiirkii guriyeynta ee xiligaasi Soita Shitanda.
Dad deggan badankoodu waxay halkaasi ku waregeen iyagoo qabo kalsooni ah inaysan dhibaato la kulmi doonin hasa ahaate waxaa hadda la siiyay 14 cisho oo ay uga guuriyaan dhismahaasi.
Digniinta loo jeediyay dadka deggan ama kuwa ku ganacsada dhismahan oo ku yaalo xaafadda Highrise ayaa waxaa sido kale soo saaray maamulka maareeya kheyraadka biyaha ee WARMA.
Sababta keeni karto in la dumiyo ayaa lagu sheegay in laga istaajiyay goob aanan munaasaba ahayn oo biyo mareen ah.
Shirkadda dhistay gurigan ayaa sheegeysa inay uga baxday 950 milyan oo shilin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *