Madaxweynaha Eritrea oo mar kale Itoobiya safar ku tagay

Hoggaamiyaha wadanka Eritrea Isaias Afeworki ayaa lagu soo waramayaa inuu mar kale maanta safar ku tagay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
Afwerki oo saaka halkaasi ayaa gaaray ayaa ku sugnaan doono laba maalmood.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa Afeworki ku soo dhaweeyay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee Bole.
Safarkan ayaa noqonaya midkii labaad ee Afwerkii uu ku tago wadanka dariska la ah ee Itoobiya tan iyo intii uu soo hagaagay xiriirkooda dibloomaasiyadeed oo meesha ka baxay 20 sano ka hor.
Labadan mas’uul ayaa ka wada hadli doono dhaqangelinta heshiiska iskaashiga ee ay saxiixdeen 9-kii bishii toddobaad ee sannadkan.
Intii u dhexeysay sannadihii 1998-dii iyo 2000 ayay dagaalo dhex mareen Itoobiiya iyo Eritrea waxaana ku dhintay ugu yaraan 70,000 oo qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *